Sheekh Shariif iyo James Swan oo ka hadlay xiisada ka taagan Dhuusamareeb

London (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah Magaalada London ee dalka Ingiriiska kula qaatay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyey dalka Soomaaliya gaar ahaan dhincyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2020-2011.

Sidoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaalidihii ugu dambeeyey doorashada Galmudug.

Labada Mas’uul ayaa isku afgartay in doorashada Galmudug ay noqoto mid ay u dhan yihiin dhammaan dhinacyada ayna u dhacdo qaab ay heshiis ku yihiin dhammaan daneeyaasha siyaadeed ee deegaanadaas.

Sidoo kale Sheekh Shariif iyo Swam ayaa ku taliyey in xal deg deg ah loo helo khilaafka mudada dheer qaatay ee u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jiro, waxayna dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka.

Ugu dambeyn Ambassador James Swan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saamileyda Siyaasadda Somaaliya kaalin weyn ka qaataan sidii xal looga heli lahaa  Arrimaha doorashooyinka.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeyso Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe, iyadoo laga cabsi qabo inay Dhuusamareeb marti geliso laba madaxweyne oo ka kala socdo Ahlu Sunna iyo Dowladda halka Madaxweyne Xaaf uu howlo doorasho ka wado Magaalada Gaalkacyo.