Jubaland oo ka hadashay xaaladda wasiir Janan iyo warar cusub oo soo baxay

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa mar kale ka hadlay xaaladda wasiir Cabdirashiid Janan oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay sheegtay inuu ka baxsaday xabsi guri uu kaga sugnaa Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh  Maxamed ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya laga doonayo in ay soo cadeyso halka uu jiro Wasiir Cabdirashiid Janan.

Wasiirka, oo la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho, ayaa xusay in dowladda federaalka ah markii hore ay iyadu “afduubtay oo ay ku tilmaamtay inuu yahay danbiile” iyaduna uu u xirnaa.

“Wasiir Cabdirashiid annagu waxaan ku ogeyn gacanta dowladda, iyaga ayaa xiray, afduubay oo yiri waa dambiile xabsina ku haayey, haddana in ay yiraahdaan wuu baxsaday iyaga ayaa laga rabaa inay cadeeyaan halka uu Cabdirashiid” ayuu yiri Cabdi Xuseen.

Wasiirka ayaa sidoo kale beeniyey warar ay baahiyeen warbahainta qaar oo ah in Janan uu gaaray Kismaayo, waxaana uu sheegay in Janan nolol iyo geeri Jubaland aysan ku heynin.

“Cabdirashiid annagu Janan maanan qarin laheyn, waayo hadii uu Kismaayo yimaado waxaa uu imaan lahaa deegaankiisa iyo waliba dadkiisa, annagu ayaga ayaan ka rabnaa oo yiri waa dabiile Kismaayo ma joogo dooninna ma keenin.” Ayuu yiri

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa dhanka kale shaki geliyey in Cabdirashiid uu nool yahay ama uu ku xiran yhay xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho.

“ Wax weliba waa ay dhici karaan oo waa suurtogal, waxaa laga yaabaa in ay meel kale oo wadanka ka baxsan geeyeen, waxaana macquul in uusan nooleenba, laakiin annagu sida ugu Kheyrka badan ayaan filaynaa iinuu Allaahey ka dhigo, waxaana rabnaa inuu wax fiican ka soo baxo Allah idankii.”