Dhoobo Daareed oo ka digay ‘shirqool’ ay Somaliland u dhigeyso PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay shir la sheegay in dhowaan Somaliland ay ku qabaneyso gudaha magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Dhoobo Daareed ayaa marka hore iska bari-yeelay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay in uusan qayb ka aheyn abaabulkiisa, sidoo kalena uusan ka qayb-galeynin.

“Waxaan caddeynayaa oo iska bari-yeelayaa oo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland aan u sheegayaa shirkaas waxba inaanan anigu kala socon, kana ogeyn, kana qayb aheyn, kana mid aheyn,” ayuu yiri Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shirkan ku tilmaamay inuu yahay shirqool siyaasadeed oo ay Somaliland u dhigeyso Puntland, gaar ahaan Beesha Warsangeli ee degnta Gobolka Sanaag, si ay u qabsato deegaanadaasi.

“Shirkaas waxaan ka aaminsanahay ama aan u arko anigu inuu yahay shir macagiisu ku haboon yahay in loo bixiyo ama loogu magac daro shirka shirqoolka siyaasadeed in la yiraahdo,” ayuu markale yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamanka maamulka Puntland

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Beeshaas la leeyahay Somaliland ayey wada shiri doonaan waa beesha aan sheegay meesha ay degto iyo deegaankeeda waa beesha ugu ballaaran ee degta Sanaag, horey waxay u diideen inay qayb ka noqdaan doorashooyinka Somaliland,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay hadal xoogan hareysay shirkaasi oo haatan abaabulkiisu ka socdo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay Somaliland ka wado dhaq-dhaqaaq ka dhan ah maamulka Puntland.