Dhoobo Daareed oo kulamo looga soo horjeedo Deni ka bilaabay gobolka Sanaag

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo gaaray gobolka Sanaag ayaa waxa uu bilowday kulamo ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Cabdullaahi (Deni).

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay ka dhasheen xil ka qaadistii guuddoomiyaha oo Khamiistii la soo dhaafay 49 xildhibaan ay kalsoonidii kala noqdeen, kadib kulan ay xubnaha baarlamaanka Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxaa kulamada ka qeyb galaya waxgaradka gobolka Sanaag iyo inta badan xubanaha beesha uu ka soo jeedo Dhoobo Daareed oo ku xoogan halkaasi.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, kana fakiri doonaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, maadaama guddoomiyihii matalyey, xoog ah xilka looga qaaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale waxaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sanaag ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigeen boqolaal shacab ah, kuwaas oo looga soo horjeedo tallaabadii xil ka looga qaaday guddoomiye Dhoobo Daareed.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa 2 maalin ee la soo dhaafay aheyd mid kacsan, kadib markii xil ka guddoomiyenimo lagala noqday, Dhoobo Daareed oo ay is qabteen Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi (Deni).

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com