Itoobiya oo howl-gelineysa biyo-xireen saameeyn weyn ku yeelan doona Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhowaaqday in biyo-xireenka Genale Dawa III ee ay ka sameysay koonfurta-bari ee dalkaas uu dhowaan si rasmi ah u howl-gali doono.

Biyo-xireenka oo dhismihiisa ay ku kacday 451 milyan oo dollar ayaa iminka la dhameystiray 99%, waxaana uu ku howl-billaabi doonaa muddo laba bilood gudahood ah, sida uu sheegay madaxa howl fulinta shikradda korontada Itoobiya ee EPP, Dr. Abraham Belay.

Mashruucan ayaa waxaa dhallin doono awood koronto oo ah 254 Megawatt.

Biyo-xireenkan ayaa waxaa laga sameeyey webiga Jubba, oo ah mid ka mid ah webiyada ugu muhiimsan Afrika, islamarkaana ka mid ah labada webi ee mara Soomaaliya kuna darsama badweynta India.

Howl-gelinta biyo-xireenkan ayaa saameyn ku yeelan doona biyaha webiga Jubba ee soo gaara Soomaaliya, oo la filayo inay yaraadaan.

Soomaaliya oo markii horeba dhibaato ku qabtay webiyada oo gura xilliyada kuleylaha darran, taasi oo horseedda abaaro, ayaa tani waxa ay sii kordhin doontaa culeyska arrintaas ka ka dhasha.

Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa hadda ka dhex-oogan xiisad ka dhalatay biyo-xireen kale oo Addis Ababa ay ka sameyneyso biyaha webiga Nile, taasi oo Masar ay aad u diidan tahay, ayada oo rumeysan inuu yareyn doona biyaha Nile oo Masar ay aad ugu tiirsan tahay.

Mashruuca dhismaha biyo-xireenka Genale Dawa III ayaa waxaa la billaabay sanaddii 2010, waxaana fulisay shirkadda Gezhouba Group ee dalka Shiinaha. Biyo-xireenka ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda korontada dalka Itoobiya, oo aad dhibaato ugu qabo koronto la’aanta.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com