Xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii Dhoobo Daareed oo weli ka taagan Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in weli xiisad siyaasadeed oo salka ku heyso xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Xiisada ayaa timid, kadib markiii Dhoobo Daareed uu ka horyimid,kalsooni kala noqoshadii ay  ku sameeyeen 49 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka uu isaga tagay arrimo amni darteed Garoowe, wuxuuna gaaray magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay su weyn ugu soo dhoweeyeen odayaashada dhaqanka, waxgarad iyo dadweynaha ku nool degmadaasi.

Sidoo kale waxaa xalay Garoowe kulan gaar ah ku yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo ka arrinsaday, sidii wax looga qaban lahaa xiisada siyaasadeed ee haatan ka soo cusboonaatay deegaanada maamulkaasi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan guddoomiyahoodii hore, islamarkaana ay kala hadli doonaan, sidii loo dajin lahaa xiisadan, una aqbali lahaa xil ka qaadista lagu sameeyey.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay arrintan ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com