Taliyihii ciidanka Ahlu Sunna ee GURICEEL iyo askar uu wato oo ku biiray dowladda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in taliyihii ciiidanka Ahlu Sunna Waljamaaca u joogay degmada Guriceel, Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamo uu wato ay ku biireen kuwa dowladda Soomaaliya.

Taliyahan ayaa lagu soo warramayaa in xalay uu gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoona ay halkaasi ku soo dhoweeyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gudaha magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintan ayaa ku timid, kadib markii uu sarkaalkan wadahadal hoose la galay taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Generaal Mascuud Maxamed Warsame iyo sidoo kale xubno uu ka mid yahay, Mudane Maxamed Axmed Cantoobo guddoomiyihii hore maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamada kale ee la socda ayaa tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay Guriceel ku sugnaa duleedka waqooyi ee magaalaadaasi, gaaraan ahaan deegaan 30 KM u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in askarta uu wata sarkaalkan ay qeyb ka yihiin ciidamadii Ahlu Sunna ee dhowaan isaga baxay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha maamuka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna oo ku aadan taliyahaasi ka soo goostay.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka oo dhowaan isku ballaarisay degmooyin ka tirsan Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com