Kenya iyo Itoobiya: Annaga kaliya ayaa hoggaanka IGAD mudan hal sabab darteed

Nairobi (Caasimada Online) – Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa qiil u samaystay sababta “ay u mudan yihiin” in ay inta badan hayaan labada xil ee ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, xilli dalalka kale ee IGAD aysan ku qanacsaneyn.

Dr. Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa xilka xoghayaha fulinta IGAD waxa uu 7-dii bishan kala wareegay Maxbuub Macallin oo u dhashay Kenya, halka madaxweyne Uhuru Kenyatta la filayo inuu guddoomiyenimada kala wareego ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Arrintan ayaa imaneysa in kasta oo ay jirtay diidmo xooggan oo ka imaneysay Soomaaliya iyo Jabuuti, oo doonayey mid ka mid ah labada xil ee ugu sarreeya ururka.

Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, Nairobi iyo Addis Ababa ayaa ku dooday in maadaama ay yihiin labada dal ee lacagta ugu badan ku bixiya miisaaniyadda ururka, inay mudan yihiin labada xil ee ugu sarreeya.

Labada dal ayaa midkiiba waxa uu sanadkii miisaaniyadda ururka ku tabarucaa 2.7 milyan oo dollar, sida lagu sheegay warbixinta Daily Nation.

Lacagtaas ayaa lagu kabaa kaalmo dhan 16 milyan oo dollar oo sanad kasta ururka uu ka helo deeq bixiyayaasha caalamka, ayada 2.33 milyan oo ka mid ah ay ka timaado Midowga Yurub.

Soomaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in xilalka ururka noqdaan kuwa wareegto ah, si dal kasta oo u sugto kolkiisa, hase yeeshee Kenya iyo Itoobiya ayaa taas kasoo horjeeda. Ma cadda waxa ay Soomaaliya iyo Jabuuti sameyn karaan si ay taas u dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Naiorbi
caasimada@live.com