Askari toogasho ka geystay magaalada Muqdisho oo isla markii gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil wiil dhaliyaro ah wade ka ahaa Mooto Bajaaj xalay loogu geystay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa waxaa fuliyey askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo ay isla markiiba gacanta ku dhigeen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taalla halkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ismaaciil Maxamed Siciid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa meesha uu dilku ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Sidoo kale waxa dilkan si aad ah u cambeereeyey ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta, waxaana ay dowladda ugu baaqeen in si deg deg ah cadaalada loo marsiiyo askarigii ka dambeeyey dilka wiilkooda.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo uu askari ka tirsan ciidamada dowladda dil u geysto mid ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ka shaqeysa Muqdisho, kuwaas oo inta badan dhibaato xoogan kala kulma ciidamada dowladda ee ku sugan Caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com