QM oo shaacisay natiijada baaritaanka geeridii Morsi – Sidee loo fuliyey dilkiisa?

Geneva (Caasimada Online) – Guddi madax-banaan oo ah khuburada QM ayaa ku dhowaaqay in dhimashii madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi ee bishii June, ay u eg tahay “dil aan sabab lahayn” oo ay ka dambeysay dowladda dalkaas.

“Morsi waxaa lagu hayey xaalad lagu qeexi karo arxan-darro kaliya, gaar ahaan intii lagu guda jiray shantii sano ee lagu hayey xabsiga Tora” waxaa sidaas lagu yiri bayaan laga soo saaray xafiiska madaxa guddiga sare ee QM ee xuquuqda aadanaha.

Dhimashii Morsi “kadib markii uu maray xaaladahan, waxaa lagu qeexi karaa dil ay dowladda dooneysay oo aan sabab lahayn” ayaa lagu yiri bayaanka.

Morsi, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey Masar ee loo doorto si dimoqraadi ah, ayaa geeriyooday 17-kii June isaga oo hortoogan maxkamadda magaalada Qaahira kadib makrii uu joogga ka dhacay.

Guddiga khuburada QM oo uu hoggaaminayey Agnes Callamard ayaa warbixintooda ku sheegay in dowladda madaxweyne Sisi ay xabsiyada dakaas ku gaysanayso xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo si “ku talo-gal ah” loo fulinayo.

Morsi ayaa waxa uu xabsiga ku jiray muddo lix sano ah, waxaana guddiga QM ay sheegeen “in loo diiday daryeel caafimaad oo noloshiisa bad-baadin karo, isaga oo qabay cudurrada sonkorta iyo dhiig-karka.”

Khuburada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda Masar “marar badan looga digay” xaaladda caafimaad ee sii xumaaneysay ee Morsi, ilaa ay ka gaartay “heer ay dishay.”

“Ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in mas’uuliyiinta ay isku dayeen inay wax ka qabtaan walaacyada laga arki karo cawaaqibka ka dhalan kara.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Khuburada ayaa sheegay in dhibaatadii Morsi ku maray xabsiga ay ahayd qorshe dil oo sanado socday ugu dambeynna Morsi uu ku geeriyooday.

Mas’uuliyiinta dowladda Masar weli kama aysan jawaabin natiijada baaritaanka guddiga QM.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com