R/W Khayre oo weerar culus ku qaaday madaxdii talada kaga horreysay oo dhan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galayey kulan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan madaxdii isaga kaga horreysay talada dalka.

Khayre ayaa sheegay in markii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen xafiiska ay u yimaadeen hab dhaqan siyaasadeed oo aad u xun, islamarkaana ka duwan hab dhaqanka siyasaadeed ee ka jira caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligaasi la aaminsanaa in siyaasadda lagu raadiyo dan gaar, laguna lunsado dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u nimid dhaqan ah in la aaminsan yahay inay siyaasadu tahay wax dan gaar ah lagu raadsado, halkan waxaan ugu nimid dhaqan la yiraahdo aan siyaasi noqdo, si aan wax u helo ” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay inay ceeb aheyd in la’isla xisaabtamo, iyo in la wada shaqeeyo, si loo hormariyo dalka.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhammaan ay bedaleen hab dhaqamadaasi, islamarkaana laga gudbay dhibaatooyinkii jiray, haatana dowladda Soomaaliya ay la jaan aadeyso siyaasad ahaan dowladaha asaageeda ee ka jira dalalka caalamka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe madaxda dowladda ay eedeymo xoogan kala kulmayeen Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com