Maxaa ka jira in DF Somalia ay si qarsoodi ah ciidamo uga qoraneyso Puntland?

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Kadib markii Baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo ka qoratay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa waxaa arrintaas ka hadlay maamulka Gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland.

“Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay qaar kamid ah telefishinno uu ku tilmaamay mucaarad ay sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta “caadaysatay wararka been-abuurka ah.”

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Axmed in dadka wararka beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, haye eshee ay arrintaas ku fashilmeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayuu tilmaamay in wax xiriir ah  uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas laga qoray.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka aysan Ciidamo ka qori Karin deegaanada Gobolka ilaa iyo inta laga xalinayo Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda.

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in xukuumadda federaalka aysan ciidamo ka qoran karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin.

Xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe oo markii horeba xumaa, ayaa laga rajo qabay inuu is-beddel wanaagsan ku yimaado kadib markii uu talada qabtay madaxweyne Saciid Deni, hase yeeshee waa sii xumaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com