Wasiiro ka socda dowladda Itoobiya oo Muqdisho kusoo wajahan iyo ujeedkooda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdi Wasiiro ah oo ka socda dowladda Itoobiya ay Maalinta Berri ah booqasho ku imaan doonaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ka socda Itoobiya ee imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa ka kooban ku dhawaad 10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Ujeedada ay Wasiiradaan Muqdisho u imaanayaan ayaa lagu sheegay inay tahay ka shaqaynt fulinta iyo dardar-gelinta waxyaabihii labada dal ku heshiiyeen sanadkii hore, kaddib booqashadii uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed.

Booqashadii bishii June ee sanadkii 2018 uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo qeyb ka yahay is dhexgal labada bulsho.

Qodobka 7-aad ee Heshiiska labada dal oo ahaa kan ugu culus oo muran ka dhex dhaliyay Bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ahaa in 4 dekadood ay maalgashato Itoobiya iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiiradaan ayaa kulamo Muqdisho kula qaadan doono Wasiirada Soomaaliya, waxaana la isla meel dhigi doonaa fulinta Heshiiskii ay wada saxiixdeen Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin wafdigan Berri imaanayo Magaalada Muqdisho, waxaana la dareemayaa qabanqaabo lagu soo dhaweenayo oo ay wadaan qaar ka tirsan Wasiirada Xukuumadda xasan Cali Kheyre .

Heshiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dood badan ka dhex dhaliyey Shacabka Soomaaliyeed, w axaana durba soo baxday in Itoobiya lagu wareejinayo 4 Dekad oo ku taal Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com