Dhoobo ” Waa Xaaraan xil ka qaadistii la igu sameeyey”

Garoowe (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa BBC Somali u sheegay in aysan “sharci ahayn” codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga xayuubiyay.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen.

Fadhi goor dhow ay Xildhibaanada ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com