Sheekh Shariif: Waxaan shaki ka qabnaa ciidamo ay NISA qoreyso xilli habeen ah oo labo dal loo dirayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran, kaddib markii dhowaan Madasha ku dhawaaqday inay yeelatay Hoggaan ay ku mideysan yihiin.

Munaasabadda ayaa ka socota Hoolka Sahal, waxaana ka qeyb galaya munaasabadda Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Waa bandhig kale oo Isbaheysiga Mucaaradka ku muujinayaan cududooda siyaasadeed, iyo madasha ay ku mideysan yihiin, waxaa mar kale la filayaa inay diraan farriin siyaasadeed oo culus.

Guddoomiyaha Madasha Shiikh Shariif oo khudbad jeedinayey ayaa sheegay inay shaki weyn ka qabaan ciidamo uu sheegay inay ka tirsan yihiin Nabadsugidda kuwaas oo la qoro habeen isla markaasna loo daabalo laba dal.

Shiikh Shariif ayaa is waydiiyey su’aal ku saabsan sababta keentay in ciidamadaas kaliya loo diro labadaas dal.

“Shaki weyn ayaa ka qabnaa Ciidamo habeen la qoraayo oo Nabadsugida qoreyso, oo labo dal loo dirayo”ayuu yiri.

Inkastoo aanu Shariifka carabaabin dalalkaas, hadana Waxaa horay u jirtay warar la isla dhex marayay oo sheegayay inay jiraan Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar.

Dalalka Eritrea iyo Qatar ayaan horay uga mid aheyn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com