Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaas lagu xayiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladdii kumeel gaarka  aheyd Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Cabdisamad oo doonayey inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kuna wajahnaa dalka Jarmarlka  ayaa loo diiday inuu dhoofo.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya xiriir dhowna la leh Cabdisamad ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay arrintaan dhacday Isniintii lasoo dhaafay.

sababaha looga hor-istaagay safarkiisa ayaa la sheegay inay la xiriirto arrimaha Ahlusuna oo la sheegayo in Madaxda Ahlusuna iyo dadka ku dhow dhowba dowladdu xayiraad saartay, sababo ku aadan khilaafka ka taagan arrimaha maamulka Galmudug.

Cabdisamad ayaa waxaa dhalay Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud kaasoo hadda uu khilaaf weyn kala dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya kadib markii Ciidamada Dowladda ay la wareegeen qeybo badan oo ka tirsan goobihii ay Ahlu Sunna gacanta kaga heysay Gobolka Galgaduud.

Cabdisamad ayaa la xaqiijiyey inuu kamid ahaa raggii loo maray oo wax ka fududeeyay heshiiskii dowladda Federaalka iyo Ahlusuna kaasoo markii dambe kusoo dhamaaday khiyaano loo geystay Ahlu Sunna.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna uga baxday heshiis ay horey ula gashay, waxaana muuqato inay Dowladda Soomaaliya hadda wiiqday awooddii Ahlu Sunna kadib markii halkaas la geeyey ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com