Erdogan oo shaaciyay inay gacanta ku soo dhigeen Xaaska, Sodoga iyo Walaasha Baqdaadi

Ankara (Caasimada Online) ―  Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaaciyay in dalkiisu uu gacanta ku soo dhigay Xaaska hogaamiyihii hore ee Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi.

Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Turkigu ay xireen haweenay la dhalatay Baqdaadi iyo Sodogiisa, kadib in ka badan toddobaad markii Hogaamiyaha Daacish lagu dilay gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.

“Mareykanku wuxuu sheegay in Baghdadi uu is diley, waxayna arrintaasi u bilaabeen olole, Laakiin waxaan halkan markii u horeysay kaga dhawaaqaya ‘in aan soo xirnay Xaaskiisa, waxaana sidoo kale gudaha Suuriya ku qabanay Walaashiis iyo Soddogiis” ayuu yiri Erdogan xili uu shalay khudbad ka jeedinayay Jaamacada Ankara.

Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Argagixisanimadu waa qofka oo dhiig dadka aan waxba galabsan u daadiya sababtiisa qaloocan, isagoo aan diir naxeyn. Qofka Muslimka ahna ma aha argagixiso”.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxa kale oo uu sheegay in argagixsida ay baadi-goobayaan reer Galbeedku, inay ku sugan-yihiin gudaha dalalkooda, isagoona tusaale u soo qaatay ninka ay aadka isku hayaan ee Fethullah Gülen.

Erdogan ayaa ugu dambeyntiina khudbada uu ka jeedinayay Jaamacada Ankara, si weyn uga hor-yimid in Muslimka lagu tilmaamo argagixiso, wuxuuna ifiyey in argagixisada ku kor duugan yihiin dad neceb islaamka.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa