Guddiga doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la magacaabey

Garoowe (Caasimadda Online) –Kadib markii Maanta Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed ayaa waxaa la Magacaabey guddi ka Shaqeyn doona doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis ayaa Magacaabey Guddi ka kooban 7 Xubnood,kuwaas oo lagu amray in mudo kooban ay ku qabtaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa uu fadhigii Maanta ee Baarlamaanka ka sheegay in doorashada Gudodomiyaha Baarlmaanka ay dhici doonto Khamiista oo socota oo taariikhdu ku began tahay 14- November Sanadka 2019.

Gudodomiyihii Baarlamaanka Puntland  Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed weli kama hadlin xilka qaadista ay Maanta ku sameeyeen Xildhibaannada Puntland, iyada oo Maanta deegaannada Puntland si weyn looga dareemayo Go’aanka Xildhibaannada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com