Guddoomiyihii baarlamanka Puntland oo xilka laga qaaday

Garoowe (Caasimada Online) – Mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo saaka kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee caasimadda Garoowe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Kulanka oo ay  fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo Daareed.

Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ku xigeenka koowaad ee xeer-dejinta oo qabtay soo jeedinta, ayaa carabka ku adkeeyay in Mooshinka uu maray hanaanka saxda ah ee loogu talogalay.

44 xildhibaan ayaa mooshinka ka guydbiyey Dhoobo Daareed, kuwaas oo guddoomiyaha ku eedeeyay arrimo badan oo xasaasi ah oo horseedi karay xil ka xayuubin.

Waxaa eedeymaha ka mid ahaa; in uu xarunta golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada, sida ay qoraalka u dhigeen.

Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen “in uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka, in lala soo galo hub iyo ciidan, in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.”

Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.

Dhooba Daareed, oo la doortey 4-ta bishii July ee sanadkan 2019.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com