Dhowr QOF oo lagu dilay weerar uu nin Soomaali ah ka fuliyey dalka Jarmalka

Berlin (Caasimada Online) – Laba qof ayaa lagu dilay mid kalena si daran ayaa loogu dhaawacay mindiyeyn Talaadadii ka dhacday koonfurta galbeed ee dalka Jarmalka, sida ay sheegeen booliska. 

Qofka lagu tuhunsan yahay weerarka oo la sheegay inuu yahay Soomaaali ayaa la xiray.

Booliska ayaa sheegay in galabkii Talaadada lagu soo wargeliyey toogashada oo ka dhacday duleedka magaalada Ludwigshafen ee gobolka Rhineland-Palatinate.  

Tuhunsanaha, oo ah muwaadin Soomaali ah, ayaa markii hore ka baxsaday goobta uu weerarku ka dhacay, balse waxaa laga soo xiray dukaan dawooyinka lagu iibiyo.

Booliska ayaa rasaas adeegsaday intii lagu guda jiray bursashada, waxayna si darran u dhaawaceen tuhunsanaha, balse dhaawaca ayaan aheyn mid naftiisa halis gelinaya, sida ay boolisku sheegeen. 

Booliska ayaa goor dambe sheegay in dhibanayaasha la dilay ay yihiin laba nin oo Jarmal ah oo da’doodu kala tahay 20 iyo 35 jir. Qofka dhaawaca ayaa sidoo kale ah Jarmal da’diisu tahay 27 jir. 

Lama sheegin magacyada dhibanayaasha iyo sidoo kale magaca qofka Soomaaliga ee weerarka lagu tuhmayo. 

Booliska ayaan weli sii dayn xog intaas dheer oo ku saabsan weerarka iyo sababta ku qasabtay tuhunsanaha inuu gaysto. Waxay weli wadaan baaritaan waxayna sheegeen inay dib kasoo gudbin doonaan natiijada.

Waa weerarkii labaad oo dhimasho leh oo wax ka badan sanad gudihiis uu qof Soomaali ah ka fuliyo dalka Jarmalka.

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 10 kalena si darran ayaa loogu dhaawacy weerar loo adeegsaday mindi, oo uu 24 jir ah Soomaali ah uu 26-kii June 2021 ka gaystay magaalada Würzburg.