Shacab careysan oo arrin dhiiranaan leh ka sameeyey MUQDISHO caawa kadib….

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in shacabka degmada Kaaraan ay caawa soo qabteen labo nin oo hubeysan, kuwaas oo dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Afhayeenka oo la hadlay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in raggaas lagu qabtay agagaarka Kaawada Kabasiini – Waaxda Nagayle ee degmada Kaaraan, iyagoo doonayey inay goobta ka baxsadaan.

Shacabka ayuu sheegay inay ka caruudeen dilkii loo geystay askari, waxaana hadda labadii nine e askariga dishay ay shacabku ku wareejiyeen ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray.

Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in labada nin markii la qabtay ay wateen hubkii ay ku dileen askariga “Labada dhagarqabe ayaa waxaa la wareegay ciidanka ammaanka, ayaga iyo hubkii ay wateen, waxaana la horgay doonaa Maxkamada xukunkooda awooda u leh, Ilaahay idiinkii,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Askari ayey si gaadmo ah ku dileen nimankaan oo ka tirsan argagixisada, shacabka oo careysan ayaana degdeg uga jawaabay falkaas oo labadii nin raacdeystay, soona qabtay, waa markii labaad ee shacabka ay soo qabtaan rag hubeysan, waxay tan oo kale maalmo ka hor ka dhacday suuqa Bakaaraha.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in sharciga lamarsiinayo ragaan oo maxkmadda awooda u leh ay u gudbi doonaan, si looga jaaseeyo dembiyadii ay geysteen.

“Waxaan ku dadaaleynaa in eedeysanayaasha aan lagu xadgudbin xuquuqdooda, waxaana ku wareeji doonaa garsoorka iyo maxkamad awooda u leh,” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan.

Hoos ka dhageyso wareysiga