Cali Guudlaawe oo war ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay Buuloburde iyo Jalalaqsi

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadkii maanta ku nafwaayay qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geysteen degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

“Madaxweynaha ayaa xusay in argagixisadu cadow ku yihiin nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, yoolkooduna yahay xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka umaddda, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan jiritaanka Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyay geerida Gudoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Marxuum Maxamed Nuur Dabaashe iyo Duqii Degmada Jalalaqsi Marxuum Aadan Maxamed Ciise oo ka mid haa dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii ka kacay xarunta degmada Jalalaqsi.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay qaraxii galabta ka dhacay buundada degmada Buuloburde oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah, isagoo tilmaamay in argagixisada arxanka daran ee sii dabar go’aya ay damacsanaayeen inay kala jaraan isu socodka dadka ku nool degmada Buuloburde,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha HirShabeelle ayaa Alle uga baryay masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxyadaasi argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay labada qarax ee ka kala Buuloburde iyo Jalalaqsi, sidoo kale waxaa burburtay muundadii muhiimka ahayd ee Buuloburde, waxayna qaraxyadaasi ahaayeen kuwo is miidaamin ah.