Dhimashada qaraxyadii Jalalaqsi iyo Buulo-Burde oo kordhay iyo mas’uuliyiin sare oo ka mid ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta magaalada Jalalaqsi ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay bar kontorool oo laga hubiyo baabuurta u socota buundada magaalada. Baabuurkaas ayaa qaraxiisa uu burburiyey dhisme ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa u sheegay idaacadda VOA in qarax loo adeegsaday mooto bajaaj lagu dhuftay buundada magaalada ee kormarta webiga Shabeelle.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa. Qaraxa waxa uu sidoo kale burburiyey qayb ka mid ah buundada oo uu dalooliyey.

Labadaan qarax ayaa u muuqda kuwo qorshaysnaa in lagu burburiyo buundooyinka magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi xixlli ay gobolka Hiiraan iyo gobollada ku dhow ay ka socdaan abaabullo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda labada qarax.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in buundada ay ka go’aday dhex-bartankeeda, sidaas darteedna waxaa xiligaan aan mari karin wax gaadiid ah.

Qaraxayadan ayaa wuxuu u muuqda mid ay Al-Shabaab ku rabtay inay ku kala jarto buundada degmada Buulo-burte, marka la fiiriyo halka gaariga Ismiidaaminta ah lagu qarxiyay oo aheyd dhex-bartanka buundada.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka degmada ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, illaa haddana majiro war kasoo baxay dhinacooda.