Dhulka dowlada oo la tiro koobayo

Masuuliyiinta xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in tirikoob guud lagu sameynayo dhismooyinka shaqsiyaadka gaarka ah isticmaalaan ee ku yaala magaalada Muqdisho.

C/laahi Abyan Nuur  oo ah Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo cadaalada Xukuumadda Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xukuumada gudi ay u xilsaartay tirikoobka dhulka ee ay dowlada ledahay.

Wasiirka cadaalada ayaa sheegtay in shan wasaaradood loo xilsaaray tirikoobka dhulka ,waxaana wasaaradahaasi ah ka mid ah wasaarada gaadiidka,wasaarada arimaha gudaha iyo howlaha guud iyo guryenta.

Kulan shalay ay yeesheen golaha wasiirada ayaa lagu sheegay in xukuumada go’aan ku gaartay soo celinta dhamaan dhulalkii ay bixiyaan dowladihii kumeel gaar ahaa,iyo hantida sida xooga lagu heysto.

Ra’iisul wasaare Saacid oo la hadlay saxaafada mar sii horeysay ayaa dhankiisa sheegay in xukuumadiisa la imaan doonto wax ka duwan xukuumadihii hore.