Maamulka Khaatumo iyo wixii uu ka yiri aqoonsigii USA ee Somalia

Buuhodle (Caasimada Online) Maamulka Khaatumo ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga dhawaan dowladda Maraykanka ay siiyay dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Jaamac Yuusuf  (Indha-sheel) ayaa shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Buuhoodle wuxuu ka sheegay in maamulka Khaatumo ay soo dhaweenayaan aqoonsiga la siiyay dowladda Soomaaliya.

Wuxu kaloo uu sheegay in ay taageersan yiihiin tallaabadaas oo ah buu yiri  mid guul ah oo Soomaali dhan ay u soo hoyatay.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa ku tilmaamay in aqoonsiga Maraykanka uu siiyay Soomaaliya inuu ku yimid horumarka ay dowladda federaalku ka sameysay.

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalka ka sameeyay horrumar iyadoo shirar muhiim ah iyo doorasho ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Khaatumo wuxuu baaq u soo jeediyay dowlada Soomaaliya in dhammaan shaqadooda aysan isu mashquulin caasimada Muqdisho ee la rabo in maamulada dalka ka jira iyana laga qaybgaliyo arrimaha dowladda.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray maamulka Somaliland oo ay daris yihiin.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo  Indha-sheel wuxuu maamulka Somaliland ugu baaqay inay ka tanaasulaan kala goynta dalka Soomaaliya iyo in ay taageeraan aqoosiga la siiyay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Aqoonsiga la siiyay dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 21-sano kaddib, waxa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Puntland.

Kooxaha mucaaradka Somaliland ayaa arrintaas ku tilmaamay aqoosiga Maraykanka uu siiyay Soomaaliya in ay tahay mid dhabar jab ku ah gooni isku taaga Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle