R/wasaarihii hore ee dalka oo hadlay

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen  Nuur Cadde oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ku saaban xaalada Dalka Soomaaliya,isagoo diirada saaray dhibaatada wariyaasha soo gaarta.

Nuur Cadde ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geeridii ugu dambeeysay ee ku timid Wariye C/xareed Cismaan Aadan oo dhawaan kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay xarig kula dhaqaaqdo wariye shaqo ku jiro,wuxuuna dhanka kale xusay inay jiraan dad doonaya inay dileen wariyaasha Soomaaliyeed.

Wuxuu ugu baaqay wariyaasha Soomaaliyeed inay muujiyaan dhabar adeeg iyo adkeysi ,isagoo xusay inay ku shaqeynayaan xaalad adag oo dhanka amaanka ah.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in isweydiin ay mudan tahay sababta loo bartilmaameydsado wariyaasha kaliya ee ka shaqeeya Idaacada Shabele ee magaalada Muqdisho.