Dhulka gudaha iyo dibadda garoonka Muqdisho oo lagu hayo boob iyo wasiir ku lug leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda QM u qaabilsan la socodka xayiraadaha Soomaaliya iyo Eretria (Monitoring Group) ayaa looga hadlay boob iyo dhac lagu hayo dhulka danta guud ee ku yaalla gudaha iyo dibadda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyadda Xukuumadii Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo baxay Warbixinta Monitoring Group, isagoo kamid noqday shaqsiyaadka dhulka boobay.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hadda ah Xildhibaan katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilligii uu Wasiiru dowlaha ahaa qabsaday dhul xeenta ku yaalla oo baaxadiisa gaareyso 344 hectar.

Dhulka oo kaabiga ku haya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa waxa uu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu ka dhisanayaa Hoteel casri ah, oo dhismihiisa qandaraas ku siiyay shirkad ajnabi ah.

Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu sameystay ciidamo u gaar ah oo ku difaacdo dhulka, kadib markii maamulka gobolka Banaadir ku amray inuu joojiyo dhisamaha uu wado, taasi oo uu ka biyo diiday.

Xildhibaanka ayaa lagu wargeliyay inuu la yimaado sharci uu dhulka ku dhisan karo oo lahaansho ah ama joojiyo. Amarkanka waxa uu kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha, waxaana fulintiisa loo xilsaarey Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ay isku heeb yihiin.

Dowladda Xasan Sheekh ayay Warbixintu sheegtay inay sifo aan sharci ahayn u bixisay hantida qaranka uu leeyahay ee ku yaalla hareeraha iyo gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Email Monitoring Group u dirtay dowladda Federaalka 31 July 2017 ayay ku waydiisatay inay usoo bandhigto nuqullo kamid ah heshiisyada kirada shirkadaha ajnabi ee ka howlgala gudaha Garoonka.

18 August, 2017, dowladda ayaa Email jawaab ah u dirtay Kooxda baariyaasha Monitoring Group, kaasi oo ay ku xaqiijisay in labo kamid ah 22 shirkadooda oo ka dhex shaqeeya Garoonka ay bixiyaan lacag kiro ah, halka kuwa kale aanba dheg-jalaq u siinin amarada dowladda.

Shirkadaha SKA International Group iyo RA International, ayaa lacagta kirada ku shuba Bangiga dhexe ee dowladda, kuwaasi oo u hogaansamay amar dowladda kasoo baxay sanadkan bartamihiisa.

Dowladda waxay sheegtay in dhulka la boobayo uu keeni karo amni xumo iyo deganaansho la’aan.

Gudiga ilaalinta hantida qaranka oo uu dhisay Cumar Cabdirashiid July 2016 xilligii uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha joogay ayaa shaqeyn waayay, taasina waxaa la sheegay inay sabab u tahay in madax ka tirsan dowladda ay ku lug leeyihiin dhaca hantida qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com