Maxaa ku soo kordhay kiiska baaritaanka ee Qalbi Dhagax? (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda baaritaanada la xiriira kiiska dhiibitaanka Sarkaalkii ka tirsnaa ONLF Cabdi Kariim Muuse ”Qalbi Dhagax”, ee bilo ka hor loo gacangaliyay dowlada Ethiopia.

Guddiga loo xilsaaray baaritaanka kiiska dhiibitaanka Qalbi Dhagax, ayaa sheegay in weli lagu guda jiro baaritaanka, isla markaana ay dhawaan soo saari doonaan natiijada kiiska.

Guddiga ayaa tilmaamay in kala bar natiijada baaritaanka ay hayaan, balse ay rajeynayaan inay soo afmeeran baaritaanka socda si loo soo saaro natiijo waafi ah oo ku aadan baaritaanka socda.

Guddigaan ayaa waxaa natiijada ka soo baxday baaritaankooda laga sugayay 10 bishaan oo ku beegneyd Jimcihii doraad balse wakhtiga oo ka dhamaaday aawgii ayaa waxaa loo sameeyay wakhti kordhin.

Cabdi Samad Macalin Maxamed oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Guddigaas ayaa sheegay in muddo dheeri ah loogu daray wakhtiga loo qabtay in lagu soo afjaro kiiska baaritaanka ee hadda socda.

Guddiga baaritaanka kiiska ayaa cadaadis kala kulmaaya Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu dowlada kiis uga dhigay dhiibitaanka Qalbi Dhagax.

Geesta kale, Guddiga ayaa lagu wadaa in muddo toban maalin ka yar ay kusoo gabagabeeyan baaritaanka ay wadaan maadaama natiijada kiiskaas uu isku mari doono dhowr guddi oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com