Ciidamada xasilinta oo dil iyo dhaawac Muqdisho ugu geystay Ilaalada…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Maxamed Xuseen (Geeldoox) ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Xasilinta ay u geysteen Ilaaladiisa dil iyo dhaawac, kaddib markii xalay lagu joojiyay Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay xalay saqdii dhexe uu ka yimid Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana xilli uu ku socday hoygiisa lagu joojiyay Isgoyska Sanca, halkaasoo ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xasilinta.

“Xalay safar ayaa Muqdisho ku soo galay, saacada marka ay aheyd 12:00am, markii aan Isgoyska Sanca marayay oo aan rabay in xaafadeyda u gudbo waxaa na istaajiyay Ciidamada Xasilinta, waxay i weydiiyeen Aqoonsi ama ID CARD, waxaa u sheegay anaga Gobol ayaa jirnaa, dowlad goboleedka Hirshabeelle ka tirsanahay, wax Aqoonsi ah nalooma sameyn, waxaa Mobilkeyga ka tusiyay warqadii Digreetada aheyd ee la igu magacaabay, markaas ayaa la igu yiri askartada qoryaha ka qaad ee baaburka dhex dhig, markii intaas la i yiri ayaa askari ila socday uu hadlay, markaas ayay askartii kale rasaas nagu bilaabeen, hal askari waa iga dhintay, mid kalena waa iiga bad baaday”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Mahadaay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga oo indhaha ka xiran la saaray gaadiidka ciidamada, lana geeyay meel ku dhow Godka Jilacow, isla markaana halkaas lagu jirdilay, waxaa uu xusay in saraalka watay ciidanka uu ku qasbay inuu dhaho in rasaasta askartiisa bilaabeen.

Waxaa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Laamaha amniga in askarta sidaas u dhaqmeysa laga qabto magaalada, hadii kale dhibaatada ay geysanayaan ay sii badaneyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com