Dib u dhac kale oo ku yimid doorashooyinka Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid doorashado lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ka dib khilaaf hareeyay hannaanka ay ku socoto doorashadaasi.

Guddiga Farsamada ee Maamulka Galmudug ayaa waxay bishii December ay soo saareen jadwal cusub oo doorasho, ka dib markii uu guuldareystay jadwalkii hore ee ay soo saareen bishii November.

Sida ku cad jadwalkii ugu dambeeyay ee doorashada ayaa ahaa in soo xulista Xildhibaanada la soo geba-gabeeyo 30-kii December. 4-ta January in la doorto Guddoonka Baarlamaanka, doorashada Madaxtooyadana ay qabsoomto 9-ka January, taasoo aad arkeyso in wadadii laga beeray, haddii aan weli la soo afjarin soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka xigga, khilaaf xoogana uu ka taagan yahay.

Dowladda Federaalka ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa, sidii ay xubno badan oo siyaasadeeda taageersan ugu yeelan laheyd Baarlamaanka Galmudug, tiiyoo aad arkeyso in culeys uu ka haysto, si kasta oo ay u musuq maasuqeyso soo xulista Golaha Wakiilada Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka reer Galmudug oo qaarkood ka shidaal qaata Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ayaa ka biyo diidan dhabaha loo marayo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoo Guddiga Farsamada ku eedeeyay inay wax is daba-marinayan. Guddigan ayaa ah midkii ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, 8-dii bishii October.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Guddiga Farsamada ay isu diyaarinayan inay markale soo saaraan jadwal cusub, oo lagu soo muddayn doono xilliyada la qabanayo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

Inkastoo Guddiga Farsamada aanay weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu fashilmay jadwalkoodii labaad ayay hadana laba iska weydiin doonin in maalmaha soo socda ay jadwal kale daaha ka roggi doonaan.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ka wada kulamo uu xal ugu raadinayo khilaafkan jira.

Doorashadan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka adkaan doonto kuwii lagu soo dhisay maamuladii soo maray Galmudug.