Sh. Maxamed Idiris: Askari uu agaasime waaxeed ka mushaar badan yahay ayey Somalia amni ka sugaysaa

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul u weeraray Dowladda Federaalka Somaliya, oo sida uu muujiyay ku guuldareysatay inay dalka ka dhigto mid ammaan ah.

Ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuna dhinteen 87 qof oo arday u badneyd ayuu afka furtay Sheekh Maxamed Idiris oo lagu tiriyo Culimada Soomaaliyeed ee lala xiriiriyo Villa Somalia.

Sheekh Maxamed Idiris oo la hadlay Universaltv ayaa yiri “Saddexdii sano ee dowladda ay jirtay, afartii sano oo ka horeysay iyo afartii kale ee ka horeysay, kuli Madaxdii soo martay waajibkooda waxaa weeye inay waxaan soo afjaraan, waajibka loo doortay maaha wax kale. Haddii qofka uusan qaban karin waa inuu yiraahdaa anigu xilkaa ma qaban karo, cid kale ha qaabto, laakiin inaanan la dareemin masuuliyadda iyo xilkeeda, arrin gaabis weeye.”

Waxa uu intaa ku daray “Midda labaad waxa la qabanayo waa nabadgelyaa la rabaa soo maaha? Nabadgelyadii Ilaahay baa bixiya oo qaddar Ilaahay ayay ku timaadaa, laakiin sabab bay leedahay. Sababtaas waxaa weeye ciidan xoog leh oo hanan kara amniga in la helo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Magaaladada ayno ka hadleeno waa Magaalada Muqdisho, Caasimadaha adduunka ugu yar yar bay ka mid tahay, iyadoo dhan waxaa weeye lix iyo toban kiilo mitir oo square ah. 16km oo square ah baa laba iyo toban sano ammaankeeda la suggi la’yahay, cirbadda dhulka ku dhacdana la soo qaban kari waayay wax la aqbali karo maaha, haddii runta iyo xaqa u hadleeno.”

Su’aal ahayd sababta looga gudbi la’yahay qaraxyada ku soo laab laabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yiri “Sababta waxaa weeye way muuqataa dadkoo dhan bay u muuqataa ma indho li’in. Askariga loo xilsaaray oo la leeyahay nabadgelyada laba iyo toban sano, lix iyo toban sano wuu suggayaa oo boqol dollar ama laba boqol oo dollar buu la’yahay uu ku daryeelo reerkiisii iyo ilmihiisii wax la qaadan karo maaha.”

Waxa kaloo uu yiri “Ninkaas oo aan si fiican u tababarnayn oo surwaalka uu ka dhacaayo, kabahana ka dhibaateesan yihiin, labiskiisa iyo qoriga suu u haysto aad arkeyso, mushaarkiisna uu laba boqol yahay oo isgoysyada taagan, halka dollar loo tuuraayo ayaa waxaa la leeyahay inuu nabadgelyada suggaa la rabaa, wax soconayo maaha.”

Sheekh Maxamed Idiris oo caro xoogan laga dhadhansan karay ayaa yiri “Halka dhinaca kale aynu siino lixdan Wasiir ama sideetan Wasiir midkiiba toban kun oo dollar, Xildhibaanimana uu ku qaato, Wasiirnimana uu ku qaato, 275 Xildhibaan-na uu midkiiba qaato shan illaa lix kun oo dollar. Shaqaale iyo Agaasimiye-yaal tirada ka batay oo kumanaan la siiyo, askarigii amni suggaayayna uu laba boqol heli karin, dowladahaasu ama tan hadda joogto ha noqoto ama kuwii ka horeeyay ha noqdaan, runta haddii ay noqoto uma socdaan inay ammaan suggaan.”

Isaga oo xoojinayay daruufaha ku gadaaman Ciidamada Dowladda ayaa waxaa uu yiri “Laba boqol nin aan heli karin baa waxaad leedahay ammaan buu suggayaa, tababarkiisii iyo wixii kalena la la’yahay. Anigu waxaan ku dhalleeceenayaa dhammaan wixii nidaamkan soo maray Madaxweyne-yaal hore ha ahaadaan, kuwo hadda joogga ha ahaadaan iyo Xildhibaanada ha ahaadaan, sidee damiirka u oggolaan karaa, caqliguse sidee u oggolaan karaa askari aan daryeelba haysan oo hal dollar ama dollar ay celiso isgoysyada uu taagan yahay, sidee loo oran karaa ammaan buu suggayaa? Miisaanka dhinaca kalena dad waxay qabanayan iyo waxay u soo kordhinayan dalka aan la garanayn tobonaan kun iyo boqolaal kun oo dollar ay qaataan.”

Sheekh Maxamed Idiris oo aan waxba reeban ayaa yiri “Saan kuu sheegay askari baa amniga sugga, dowladnimadaa sugta, dowladnimadii waa in la xoojiyaa aas aaskeedii, oo ah booliskii, sirdoonkii iyo ciidankii baa waxaa la leeyahay waxaa la dhisi kari la’yahay xilligii Carta illaa iyo maanta oo ay tahay 2020. Labaatan sano siyaasiyiintu waxay ka hadlayan gobol iyo dowlad federaalaa is khilaafsan. War umaddiinii dhamaatay, way idinku hoos baaba’day. Kuwii hore ayay ku hoos baaba’day oo kuwaan ayay ku hoos baaba’day.”

Sheekh Maxamed Idiris ayaa wax iska weydiiyay askari uu ka mushaar badan yahay Agaasime Waaxeed, amniga la doonayo inuu wax ka qabto.

“Askari uu ka mushaar badan yahay Agaasimiye Waaxeed, amniga laga suggayo muxuu yahay? Halkaasee bahasha ka dhacsan tahay. Askari miskiinoo labadii boqol dollar waayay baa nabadgelyo samaynaya, cid ka yeeli mayno, ma aqbaleyno, caqliguna ma aqbali karo, adduunka meel laga aqbalaayana ma jirto. Adduunkaa inagu qoslaya oo inala yaabaya.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

Hadalka Sheekh Maxamed Idiris ayaa wuxuu xoojinaya dhaliilaha maalmihii ugu dambeeyay, ee ay Culimada Soomaaliyeed u jeedinayeen Madaxda Qaranka, ka dib qaraxii dadka badani ku dhinteen ee maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.