Taabid oo qoraal cajiib ka soo saaray xasuustiisii 2019

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xasuustiisii sanadkii tagay ee 2019-kii,isagoo sheegay inuu ahaa mid culeyskiisa wata.

Taabid ayaa xusay in 2019-kii lagu waayey dad badan, kadib qaraxyadii ka dhacay Caasimada oo uu ugu dambeeyey kii Ex-Control.

Sidoo kale wuxuu sanadkan cusub ee 2020-ka Ummadda Soomaaliyeed u rajeeyey inuu alle uga dhigo mid nabaddeed oo barwaaqo leh.

Halkan hoose ka aqriso:

Sanad wacan oo wanaagsan dhammaan. Waxaan Alle ka baryeynaa in sanadka 2020 uu inooga dhigo sanad nabaddeed oo horumar iyo barwaaqo leh.

2019 wuxuu ahaa sanad culeyskiisa wata oo ay ugu dambeysay xasuuqii Ex-kontrol Afgooye oo aan dad badan ku weynay, dadna dhaawac iyo culeys nololeed kasoo gaareen. Allaha u dhib yareeyo.

Maanta waa maalintii shacabku gurmad&waxqabad ay sugayeen, waana in aan yoolkaas marna nalaga weecin. Mida labaad waxaa Hay’addaha amniga looga fadhiyaa in ay ummadda la wadaagaan dayaca amni ee dad intaas la eg galaaftay cida mas’uuliyaddeeda iska leh, lagulana xisaabtamo.

Dhanka kale waxaa lama huraan ah in uu jiro dadaal ku aadan ka hortaga qatar kasta oo amni oo soo wajihi karta Shacabka. Dowladda iyada ayaa mas’uuliyadda amniga iska leh, Shacabkana waxay wada shaqeyn buuxda ka heli karaan marka si sax ah loola wadaago cida mas’uuliyadeeda leh dayicii amni ee sababay xasuuqii ka dhacay Ex-kontrol Afgoye iyo kuwii ka horeeyay.

Hadii shacab iyo dowladba ay ku jirto su’aasha ah maxaa arrimaha amniga la iskaga kaashan la’yahay; jawaabtu waxay tahay wada shaqeynta shacabka waxaa sababi kara in mas’uuliyadda wixii dhaca cidu qaadato isla markaana cadaaladdu shaqeyso, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qofka ku cuskanaya ayaa la istaajiyaa, sidaa darteed mas’uuliyadda dowladdu ha qaadato. Waan hubaa shacabka inuu istaajinayo Dowladdooda marka ay si mas’uuliyad leh u cuskato.

Sanad wanaagsan 2020.