Puntland oo maxkamad soo taagtay Muuse Cali Jaamac iyo odayaal kale

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa waxaa maanta ka soo muuqday siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo qaar ka mid odayaashii dhowaan lagu xir xiray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Maxkamadda ayaa u fariisatay dacwadda loo heysto siyaasigaan iyo odayaasha kala ah, Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

Odayaasha iyo siyaasigaan ayaa waxaa lagu eedeeyey kicin dadweyne oo ay ka wadeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale maxkamadda ayaa markii ay dhageysatay xeer ilaalinta ku dhawaaqday in markale la’isugu soo laaban doono dhageysiga dacwadda maalinta Axada ee soo socda.

Siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo 4-ta oday ee kale ayaa ku dhowaad bil u xiran maamulka Puntland, waxaana loo heystaa shirar ka dhan ah xukuumadda oo ay qabteen.

Tan iyo markii xabsiga la dhigay odayaashaan ayaa waxaa Boosaaso ka jiray xiisado xoogan oo ka dhashay xarigooda oo u dhexeeyey Siciid Deni iyo waxgaradka magaaladaasi.