Ra’iisul wasaare Khayre oo dalab xasaasi ah hordhigay hogaamiyaha Ahlu Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa weli kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulamadaan oo uu Ra’iisul wasaaruhu la qaatay hoggaanka Ahlu Sunna ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug oo markale uu fashil ku yimid jadwalkeedii.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa kula kulmay hoggaamiyaha Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, iyagoo ka wada hadlay khilaafka ka taagan soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Khayre uu Macalin Maxamuud ka dalbaday inay Ahlu-Sunna dib u dhigato 20-ka xildhibaan ee la siiyey, islamarkaana marka hore odayaasha dhaqanka fursad loo siiyo inay soo xulaan 69-ka xildhibaan ee kale, iyadoo beel kasta ay iska reebeyso labo kursi markaas kadibna ay Ahlu-Sunna soo xulato 20 keeda xubnood.

Arrintaan ayaa waxaa ka biyo diidan Ahlu Sunna oo horay u shaacisay liiska xildhibaanadeeda, balse waxaa lagu ballamay kulamo kale oo maanta qabsoomaya.

Shalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo uu kala hadlay dib dhigista xildhibaanada Ahlu Sunna iyo arrimo kale.

Xaaladda ayaa u muuqata inay sii cakirmeysa, waxaana tabashadaan ay ka dhalatay markii beelaha qaar ay ka hor yimaadeen 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna.

Sidoo kale doorashada ayaa markale waxaa ku yimid dib u dhac, kadib khilaaf hareeyay hannaanka ay ku socoto doorashadaasi.

Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, balse dowladda dhexe ee federaalka ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa, sidii ay xubno badan oo siyaasadeeda taageersan ugu yeelan laheyd baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.