Dib u dhac kale oo ku yimid doorashooyinkii Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee Somaliland ayaa maanta shaaciyey in markii lixaad uu dib u dhac ku yimid doorashada maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyinka golaha deegaanka iyo tan wakiilada ee Somaliland.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka maamulkaasi Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in aanay farsamo ahaan iyo sharci ahaanba qabsoomi karin doorashooyinku.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo Mehrad ka dhigtay Komishinka doorashooyina Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Cidda meherad ka dhigatay komishanka doorashooyinka waxaa maanta la gudboon in ay ka shaqeeyaan sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii saddexda xisbi” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn  waxa uu ugu baaqay xukuumadda iyo xisbiyada ka jira Somaliland in ay shaqeeyaan qabsoomida doorashooyinkaasi.

Doorashada golaha deegaanka iyo tan wakiilada ee maamulkaasi ayaa la filayey in la qabto bisha December ee sanadkan 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com