Dib u dhac ku yimid safarkii Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow la shaaciyey inuu baaqday safar ay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku tagi lahaayeen magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale.

Ujeedada dib dhaca ku yimid safarka labada Madaxweyne ee hore ayaa lagu sheegay inuu la xariiro xirnaanasha garoonka diyaaradaha magaaladaasi oo saacadihii la soo dhaafay uu saameeyey roob xoogan oo ka da’ay halkaasi.

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo xubin ka ah xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay baaqashada socdaalkan, ma shaacin xilliga uu wafdiga madasha xisbiyada Qaran uu tagi doono Beledweyne iyo Bardaale, si ay u qiimeeyaan xaaladaha ka jira degmooyinkaasi.

“Waan ka xunahay safarkeenii maanta lagu tagi lahaa Beledweyne iyo Berdaale oo dib u dhac ku yimid kadib markii xalay illaa saaka ay roobab xoogan ka da’een taas oo sababtay in Airport-ka Beledweyne diyaaraduhu ay ku tagi karin ayuu yiri.” Sanoter Ilyaas.

Xaaladda degmooyinka Beledweyne iyo Bardaale oo daadad xoogan ay ku dhufteen ayaa laga deyrinayaa, iyadoona inta badan ay ka barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi.

Dadkan ayaa waxaa soo wajahan xaalado adag oo dhinac nolosha ah, welina ma helin gargaar ku fulan, inkastoo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan dadaallo lagu caawinayo dadkaasi dhibaateysan, si loo badbaadiyo noloshooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com