Xog: Wada-hadal lagu dhex dhexaadinay Saciid Deni iyo Dhoob Dareed oo fashilmay

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa xalay shir albaabada u xirnaa yeeshay madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Garaash. Kulanka madaxweyne ku xigeenka iyo madaxweynaha wuxuu salka ku hayey sidii loo dhex dhexaadin lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Garaash ayaa isku dayey xalay  inuu isu geeyo oo dhex dhexaadiyo  guddoomiyaha baarlamaanka Dhooba Dareed iyo madaxweyne Deni, balse waxaa ku gacan seeray oo diiday dhex dhexaadintaas  madaxweyne Siciid Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu u cadeeyey Axmed Garaash  inuu wax wadahadal ah la gali doonin Guddoomiyaha Baarlamaanka Dhoobo Dareed, wuxuuna Deni wacad ku maray inta Glaha wakiilada u hoggaansaneyn  amarkiisa oo Dhoobo Dareed meesha laga saarayo uusan wax wadahadal ah ka gali doonin awoodiisa xukun.

Khilaafka madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa salka ku haya in madaxweyne Deni sidii uu doonayey aanay ula  shaqeyn Golaha Baarlamaanka oo ay siyaasado dibada ah ku shaqeynayaan  golaha wakiilada Puntland, gaar ahaan Dhoobo Dareed iyo rag la socda sida uu yiri madaxweyne Deni.

Wuxuu madaxweyne Deni joojiyey Maanta shaqooyinkii Madaxtooyada muddo laba asbuuc ah wax qaabilaad ahna uusan sameyn doonin tan iyo inta uu ridayo guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Dhoobo Dareed oo sida uu sheegay Deni u hogaansami waayey, inuu guddoomiyaha la shaqeeyo madaxweyne Deni.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa u sheegay Golihiisa Wasiirada iyo dadka shaqada ugu socda inuu hakiyey muddo laba asbuuc ah shaqooyinkii madaxtooyada, wuxuuna xusay Deni  inuu ridayo guddoomiye Dhoobo Dareed oo uu baarlamaanka Puntland ka dhigo mid hoos yimaada madaxweyne Deni.

Wadahadalkii xalay madaxweyne ku xigeenka ku dhex dhexaadinayey golaha wakiilada Puntland iyo madaxweyne Deni ayaa burburay, kadib markii madaxweyne Saciid Deni wacad ku maray in baarlamaanka uu ka dhigayo mid xukuumada la shaqeeya oo u hogaansama siyaasadiisa meeshana uu ka baxo dhoobo dareed iyo kooxda yar ee la socota uusan wax wadahadal ka geli doonin awoodiisa xukun.

Golayaasha dowladda ayaa ah kuwo kala madaxbanaan oo dastuurka dowladda Puntland  ayaa qeexaya shaqooyinka ay kala leeyihiin, balse waxaa muuqata in madaxweyne Deni iyo kooxdiisa Aaran Jaan ay doonayaan baarlamaanka Puntland mid gacanta ugu jira oo amaradooda ku shaqeeya inay ka dhigaan yes man oo waxay doonaan ku fushan karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com