Madasha Xisbiyada Qaran oo $200,000 ugu deeqay gurmadka fatahaadaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.

Madasha Xisbiyada Qaran oo madaxdeedu ay shir jaraa’id ku qabteen galabtey Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In ay maalmihii la soo dhaafay ay Xisbiyada madasha ku midaysan iyo dad samafalayaal Soomaaliyeed ah laga soo aruuriyey lacag gaaraysa &200,000 ( laba Boqol kun oo dollar) taasoo qeyb ka noqon doonta gurmadka fatahaadaha iyo daadadka ka dhacey Magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale.

Sidoo kale Madasha ayaa waxay shaaciyeen liiska laba guddi oo howlaha gurmadka ka fulin doona magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com