Agaasime Cabdinuur: Waxa aan xirnay askar si qaldan ula dhaqmay suxufiyiin

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu xiray Askar ka tirsan  Ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaasi si xun ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda.

War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Cabdinuur Maxamed Axmed  ayuu ku sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda uu ka balan qaaday in Askartaas sharciga la horgeyn doono.

Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay fal xadgudub ah oo 27-kii bishii hore Muqdisho loogu geystay Wariyeyaal ka howlgala Warbaahino ku yaalla Muqdisho.

Si kastaba gelinkii dambe ee shalay ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda waxaa ay  Wariyeyaal ka tirsan Telefishnka Aljazeera ay ku jirdileen Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, waxaana la sheegay in Ciidamada ay dhibaato u geysteen qalabkii ay ku shaqeynayeen.

Hoos ka Akhriso Warka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran.

Waxaa jiray fal noocan oo kale ah oo wariyeyaal lagula kacay 27kii bishii hore keddib markii xarig iyo handadaad la isugu daray.

Ciidamada Qalabka sida waxay mudanyihiin in lagu bogaadiyo, laguna garab istaago hawlaha sugidda amniga, balse waxaa loo baahanyahay in ay ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Wariyuhu waa muwaadin la xuquuq ah shacabka kale. Waa la dacweyn karaa, isaguna waa dacwoon karaa, balse waan in xarig kasta loo maraa sifo sharci ah, Booliiskuna waa inuu haystaa warqad ogolaansho.

Waxaan ka raalli galinaynaa guud ahaan bahda saxaafadda, gaar ahaan wariyeyaashii dhibaatooyinka la gaarsiiyay, waxaana qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo badqabka wariyeyaasha iyo ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com