Dibadbax ka dhan ah Kenya oo ka dhacay Garbahaarey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeymaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay gobolkaasi ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya.

Dibad-baxani oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey  arayo ka dhan ah dowladda Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe, sida Kenya ha dhacdo, daba-dhilifka ha dhaco iyo erayo kale.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee ay magacowday dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Gareed oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay xasuuq ka wado gobolka Gedo, isla-markaana loo baahan-yahay in laga hortego dhibaatooyinka ay waddo.

Sidoo kale wuxuu dhaliil xoogan u jeediyey madaxda Jubbaland oo uu ku eedeeyey inay Kenya ku garab siinayaan dhibaatada ay ka wado gobolka Gedo ee koonfurta Somalia.

Axmed Buulle Gareed oo hadalkiisa sii wata ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan gar-darrada ay Kenya ku heyso shacabka gobolka Gedo.

Kenya ayaa dhowan duqeyn lagu laayey dad rayid ah oo caruur ay ka mid yihiin ka fulisay deegaanka Ceel-Cadde ee koonfurta Soomaaliya.

Si kasta dowladda federaalka ah oo uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyo Kenya ayaa si adag uga hadashay tacadiyada ciidamada dalkaasi ay ka geysanayaan Jubbaland.