Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag ‘dil ka geystay’ magaalada Caabud-waaq

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka Galmudug saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Howl-galka ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey kooxo habeen ka hore nin muruq-maal ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi.

Taliyaha Booliska magaalada Caabudwaaq, Farxaan Xasan Xuseen oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay in lagu soo qabtay rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen toogashada Odowaa Axmed oo lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo shaqsiyaadka lasoo qabtay, isaga oo xusay in dhowaan lasoo taagi doono maxkamad.

Farxaan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadayaan howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka degmada Caabudwaaq oo dhacda waqooyiga gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga guud ee magaaladaasi.

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal salka aanooyin Qabiil, balse waxaa haatan ka billowday howl-gallo ay wadaan ciidamada Galmudug oo amniga lagu sugayo.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa kusoo laa-laabta dilalka qorsheysan iyo sidoo kale dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan gobolladaasi.