Al-Shabab iyo Kenya oo ku dagaalamay Jubada Hoose

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo xoogag ka tirsan Al-Shbaab oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii weerar ku billowday madaafiic ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidankaasi ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga, halka kuwa kale ay ku hoobteen xaafado ku yaalla deegaankaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu qaatay muddo saacado ah.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka qorsheysan ee ka horreeyey intaba.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha uu geystay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada Jubbooyinka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda.

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo inta badan ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa weeraro iyo dagaallo culus ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi.