Farmaajo oo mar kale fara-geliyey xubnaha guddiyada doorashada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale fara-gelin ku haya Guddiga kala saarista iyo xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee cabashooyinka laga soo gudbiyey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiyda uu xubnahooda fara-gelinta ku hayo Farmaajo ayaa waxaa kamid ah xubnihii Somaliland, oo kal hore ay ka dhaqaaqi weyday doorashada, waxayna midaan markale caqabad hor leh ku noqon kartaa doorashooyinka laga heshiiyey ee dalka.

Madaxwaynaha waqtigiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo celinaya guddiyada doorashooyinka xubno hore looga saaray oo uu kamid yahay Guddoomiyihii gugdiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ah shaqaalle ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka dalbaday guddiga inay usoo gudbiayan toddobada xubnood ee ay sheegen in guddiga Somaliland ka saareen, wuxuuna guddiga ka cago jiiday saddexda kiis ee cabashadu ka taagan tahay oo ilaa hadda waxba loo keenin.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu la wareegay Wasiiraddii ay quseysay iyo beelahoodii uuna kala dooday saddexda kiis ee Gudiga warbaahinta ka sheegay in cabasho ka taagan tahay ayna ahayd in ay go’aan ka gaaran Ra’iisal wasaare Rooble, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa asagu dhowr jeer ku baaqay in la fuliyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho, si meesha looga saaro khilaafka soo noq-noqday ee ka taagan doorashada Somaliland oo arrintaan markale dib usoo istaadhi karto.

Si kastaba, xiisadan cusub ee uu hor-boodayo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ayaa markale is-mari-waa cusub ku hor-gudbeysa qabashada doorashada oo uu dadaal badan ku bixinayo ra’iisal wasaaraha dalka.

Hoos ka arag warqad caddeyneysa in Khadar Xariir uu yahay shaqaale dowladeed.