Qorshaha Galmudug kadib kiiskii Balanbal iyo ceyrintii Wasiir Cabdi Waayeel

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga isku-duwidda wasaaradaha ee siyaasadda maamul baahinta iyo aasaasida xafiiska xariirka maamulka.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo kan wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug. Waxaana kasoo qeyb galay wasiirrada ilaa sagaalka wasaaradood iyo inta badan agaasimayaasha wasaaradaha Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay qorsheynayaan daadejinta shaqada wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaa muhiim ah in la aasaaso xafiiska xariirka wasaaradaha, kaas oo kor joogteyn doona howlaha wasaaradaha Galmudug, sida uu sheegay Cali Ciid.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maamulku uu bilaabayo barnaamij dib u heshiisiin ah, isla markaana ay dhawaan isu-keeni doonaan dhammaan beelaha walaalaha ah ee dirirta ku kala maqan.

“Waxaa koow muhiim noo ah in la daadajiyo maamulka, waxaan dhiseynaa dhammaan dowladaha hoose ee degmooyinka, inta uusan sanadkaan dhamaan waxaan dhiseynaa golayaasha deegaanka degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Balambal, Cadaado iyo Hobyo, waxaana soo magacaabi doonaa wasiir cusub oo ay yeelato wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo shaqadiisa ugu badan ay noqon doonto dhismaha golayaasha deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Ciid.

Hoos ka Daawo Warbixin