Dibad-bax laba ujeedo leh oo ka dhacay Laascaanood iyo khasaare ka dhashay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay dhigayeen dadka Shacabka ah.

Dibad-baxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Laascaanood iyo weliba madaxda hay’addaha amniga oo ku fashilmay wax ka qabashada arrintaan.

Dadka dhigayay dibad-baxaan ayaa dhagxaan waaweyn ku jaray waddooyinka, iyaga oo dalbanayay in laga hortago dadka dilalka loo geysanayo Haldoorka gobolka Sool, ayaga oo si weyn u dhaliilay hay’addaha amniga Somaliland ee ku shaqada lahaa amniga magaalada.

Dibad-baxaan ayaa imanaya kadib markii xalay kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada ku dileen Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sool, xili uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Booliska ay rasaas ku kala eryeen dadkii dibad-baxaan dhigayay, taasi oo ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah shacabka, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dibad-baxaan oo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Laascaanood aya intii uu socday waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo goobaha Ganacsiga, inkasta oo markii dambe ay dib u furmeen.