Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogtay shirkada Hormuud

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ay xayiraado kusoo rogay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas. 

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan. 

Afhayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas.

Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna sheegay in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas. 

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee tegay waxaa gacantooda ka baxay deegaano badan, ayada oo kooxda laga saaray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, dowladduna ay qorsheyneyso inay dagaalka kusii fidiso gobollo kale.