Dibadbax looga soo horjeedo maamulka gobolka Banaadir oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa saaka banaanbax ballaaran ka dhigay magaalada Muqdisho.

Dibadbaxa oo muddo socday ayaa waxaa looga soo horjeeday maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Darawallada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ku soo rogay lacago dheeraad ah oo aysan awoodin inay bixiyaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in dhibaatada xirnaashaha wadooyinka loogu sii daray inay lacago bixiyaan, taas oo ay tilmaameen inay cabasho ka yihiin, si wax looga qabto.

Dibadbaxayaasha oo aad u careysnaa ayaa isugu soo baxay waddooyin muhiim ah, sida isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq ee magaalada Muqdisho.

Weli ma jirto jawaab ay ka bixisay dowladda cabashada dadweynaha, gaar ahaan gaadiidleyda oo marar badan banaanbaxyo ka dhigay waddooyinka Muqdisho.

Cabashada gaadiidleyda ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo jiitameysay, tan iyo markii dhagxaan waa weyn lagu xiray inta badan waddooyinka Caasimadda.