Sawirro: DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo uu shir uga furmay Uganda

Kampala (Caasimada Online) – Shir u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka dalka ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo looga hadlayo horumarinta Maaliyadda dalka ayaa waxaa daah-furay wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya xubno ka kala socda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Muddada uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha Maaliyadda dalka iyo dadaallada deymaha looga cafinayo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan, sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay in si wadajir looga wada shaqeeyo horumarka Maaliyadeed ee dalka

“Kampala waxaa nooga furmay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeena, Ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato.” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Shirkan ayaa daba socda mid bishii September ee sanadkan wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa maamullada dalka ku dhex maray dalka Itoobiya.