Xasan Daahir Aweys oo shaki badan galiyay dilkii Almas Elman ee xerada Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa ka hadlay falkii Arbacadii lagu khaariyey Almas Elman oo lagu dhex dilay xarunta Xalane ee taliska ciidamada AMISOM.

Muuqaal uu iska soo duubay, Xasan Daahir Aweys oo soconaya ku dhowaad 16 daqiiqo ayaa waxa uu kaga hadlay dhacdadaasi oo weli lagu hayo baaritaan.

Ugu horreyn wuxuu Tacsi u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxday marxuumad Almas Elman oo aheyd diblomaasi hore iyo ruux u dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay aqoontii uu ulahaa Aabaheed oo halyey ahaa, kaas oo uu tilmamay inay daris ahaayeen, islamarkaana uu wax u qaban jiray dadka.

Xasan Daahir Aweys ayaa xusay in toogashada lagu dilay Almas ay aheyd mid ku talagal ah oo kaligeed lagu khaarijiyey, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu sheegay in halka lagu dilay oo ah meel amaan ah, lagana ilaaliyo ammaanka dalka ay abuureyso shaki weyn oo ku aadan amniga xaruntaasi.

“Meesha gabadha lagu dilay oo dadkaan is leeyihiin waa meel ammaan waaye oo ammaankiina laga ilaaliyo, hadii la is lahaa inaysan warkaasi sax aheyn meeshii waa ka soo baxaysaa.” ayuu yiri, Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubka gabadha lagu dilay uu yahay mid qaas ah, islamarkaana ay isticmaasho hal qolo, walow uusan shaacin cida ay tahay.

“Hubka gabadha loo isticmaalay qaas waaye, dad badan oo Soomaali ahna waa lagu dilay hub qaas waaye, qolaana iska leh hub iska fakadana maaha.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa, Xasan Daahir Aweys.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in nolosha dadka Soomaaliyeed ay tahay nolol wada col ah, islamarkaana weligeed la’is dili jiray, wuxuuna laf ahaantiisu sheegay inuu labo mar ka bad-baaday isku dil dil oo la doonayey in lagu khaarijiyo isaga.

“Anaga ka Soomaali ahaan waa nolol wada col waaye waxa inta nala dilay hadda uma horreyso weligeed waa nala dilaayey, aniga xittaa laba goor ayaa la’isku dayey in la’idilo, marka cadow badan ayaan leenahay.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, Sheekha.

Marxuumad Almas Elman oo shalay Aas Qaran loogu sameeyey gudaha magaalada Muqdisho ayaan weli la ogeyn cida ka dambeysay dilkeeda, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado baaritaan dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Halkan hoose ka daawo Muqaalka