Faah-faahinta qarax gaari oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta  ka dhacay isgoyska 14-ka Octobee, Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari yar oo lagu soo xiray walxaha qarxa, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in xilliga uu qarxayey gaariga ayna qof saarneyn, islamarkaana uu ku baakinaaa waddada dhinaceeda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa laba qof oo shacab ahaa, kuwaas oo ku sugnaa halkaasi.

Meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan, iyadoona ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaqa waddadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanku ay gacanta ku dhigeen nin looga shakiyey inuu qaraxaasi u adeegsaday hormuudka qaraxyada ee laga hago meelaha fog-fog.

Weerarkan qaraxa ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe amniga Caasimada uu ahaa mid degan, islamarkaana ciidanka dowladdu ay ka wadeen baaritaano joogta ah.